Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ciidamad Itoobiya oo Kabaxay Wadada 30-ka
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Mar 09 2008
Ciidamad Itoobiya oo Kabaxay Wadada 30-ka
Written by Ali Moallim   
Sunday, 09 March 2008

Muqdishu,(insidesomalia.org)- Ciidamada Itoobiyaanka ee ka baxay xalay wadadda sodonka ee Magaalada Muqdisho ayaa Timid, kadib markii xalay uu is afgaranwaa dhexmaray Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Korneel Gabre oo ku aadanaa in Suuqa Bakaaraha laga saaro Ciidamada Soomaalida ah ee ku sugnaa, markii uu sidaa dalbaday Ra,isulwasaare Nuur Cadde uuna diiday Madaxweynuhu, iyadoo xalayna ay kulan qaateen Yuusuf iyo Gabre sida ay ku warameen ilo lagu kalsoonyahay.

wararka ayaa waxay sheegayaan in xalay kulan ay qaateen Madaxweyne Yuusuf iyo Col:Gabre oo ay kaga hadlayeen in Ciidamada laga saaro Suuqa Bakaaraha uu ku dhamaaday is fahamwaa, markii uu Madaxweynuhu uu ku adkaysatay in Kooxaha ka soo horjeeda Dawladda iyo kuwa Itoobiyaankaba ay ka soo duulaan Suuqa Bakaaraha, Ganacsatada Suuqaasina ay bixiyaan dhaqaalaha ugu badan ee ay helaan kooxahaasi.

Wararka ayaa intaasi kudaraya in Gabre uu taasi kaga jawaabay inaysan jirin qof dhaqaalihiisa iska gubaya, mana aha in la baabi'iyo hantida shacabka ee taala Suuqa Bakaaraha, ma oran karo ayuu yiri waa Ciidamo Qaran ee waxaan ku tilmaamayaa Maleeshiyo beeleed kuwa kula jooga ee biliqaystay Suuqa Bakaaraha , Ciidanka Itoobiyaankana raali ugama noqonayno in ay kor ka waardiyeeyaan kuwa wax bililiqaysanaya ee Maleeshiyadaada ah, Ciidankeenana laguma caburinayo shacabka,marka laga reebo kuwa nidaamka diidan.

Wararka ayaa inta ku daraya in gabre uu sheegay in Ganacsatadu ay yihiin qaybaha ugu muhiimsan heshiis ka dhaca Soomaaliya, shalay ayaa lagu degdegay in Ganacsatada laga qaado Hubkooda ayuu sii raaciyey hadalkiisa, waxaa kale oo uu u sheegay Madaxweynaha arinta uu wado ay tahay colaad uu u qabo Qabiil.

Col: Gabre ayaa xalay si cad ugu sheegay Madaxweyne Yuusuf in haddii dhibaato ay ka timaado Ganacsatada iyo Muqaawimadaba uu isagu Masuul ka yahay, isagoo waydiiyey Madaxwynuha inuu Masuul ka noqdo Ciidanka TFG-da, arintaasoo uu diiday Madaxweynuhu

Col Gabre ayaa sheegay in ay iyagu og yihiin arintan uu wado Nuur Cadde qaybna ay ka tahay dib u heshiisiinta Soomaalida loona baahnayn in Ciidan lagu sii hayo Bakaaraha.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha ayaan xalay aqbalin warka uu sheegay Garbre, taasina ay sababtay in xalay mar qura ay Ciidamadii Itoobiyaanku isaga guuraan Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho halbowlana u ah Suuqa Bakaaraha, waxayna taasi dhalisay in saaka weerar lagu soo qaaday Ciidankii ku sugnaa Bakaaraha kadibna ay isaga huleeleen Suuqa Bakaaraha.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu maanta ogolaaday soo jeedintii Nuur Cadde iyo Col: Gabre mar Ciidankii Dawladda ay Banaanka ka yihiin Suuqa Bakaaraha oo Maalintii sadexaad aan lagu Ganacsan.

 

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >